Tuesday, February 2, 2021

About BaladXaawa: In an interview I gave


Photo of me by Somali Universal tv- an interview I gave to the tv on Jan 26, 2021.
 

In an interview I gave to Universal tv, I first shared my deep condolence to the civilians who are hurt in Balad-Hawa fighting.

 

On one hand, I traced to what happens in Baladxawa a historic failure once faced our country back in the 80s where part of the Somali family who felt dissolution has defected to Somalia's 'adversary' as the regime was reigning Somalia that era could claim- the defectors were getting back to strife against the Siyad Barre dictatorship former Somali Somali president came to power through junta. On the other hand, I shed a light on the ironic statement released by Kenya soon after the Baled-Hawa war and further was giving tacit contradiction of Kenya by Showing concerns on what it said “Kenya primary concern is that the renewed fighting engender large scale displacement of civilians inside Somalia and increase generates large numbers of refugees” The question I raised in the interview was— if Kenya is that worried about displacing people then why are they backing the Abdi Janan that some Kenyan member parliament said publicly statements loosely be a testimony by backing a 'fugitive' and why are they also not concerned about the insecurity that Mandera residents face by keeping armed militia in a Kenyan population of 830K?

 

I also argued the demand from Jubaland state and some oppositions who called the Somali government to withdrawn SNA from Baladxawo has put the gov embarrassment position and wasn't judicious- because Kenya has reported it has thronged immense of security agencies, police, and defense specialist officers in Mandera county— which could worsen the situation of Somali citizens in Baladxawo who had witnessed riot with the result border tension started from president HShM tenure.

 

In the interview, I also stressed that the Somalia government has shortened to bring prolific policies apart from SNA's presence in Gedo because a constructive political stream would work on mediating between local people, fostering rules and regulation has failed Janan and Madobe, and the government has never got a strategy about appointing capable mayor could govern Gedo while avoiding similar current lethal war.

 

I concluded a piece of advice to vet revising policies has been taken and a call for prevailed wisdom.

 By: Mohamed Ibrahimrashid Khalif,

Thursday, January 9, 2020

Khaarijintii Qaasim Sulaymaani: Soo kabahso ama Kalahaadka Bariga Dhexe

Dawac nimada, qalbi adaygga, weerarka joogtada, iyo dhagarta dagaalka ee uu laasimi jiray ku dhaqaaqiddeeda xitaa haddii ay sababayso barakac ama dakhri xun oo banii aadnimi nimada ka dhan ah –waa waxa ka dhigtay Qaasim Sulaymaani xubinka ugu muhiimsan ilaalada kacaanka Iraan. Guutada Qudus ee uu taliyaha u ahaa wuxuu si fahmo leh uga hawlgaliyay Bariga Dhexe isagoo guutadan u isticmaalay inaanay cunuqubateenadii kharaaraa ee saarnaa Iraan taniyo goor darteed aanay u shiiqin Iraan saamaynta ay ka ciyaari karto mandiqadeeda. Yemen buu ka taagay halkudhegga shiicada sida towxiidka ugu dhawaaqaan ee micno ahaan aad ugu dhow Malakul-mowdka ha miro Israaiil iyo Maraykan.

Israaiil iyo Iraan ma aanay dhicin in wali dagaal toos ah isku qaadaan balse labaduba fursadda ah in midba mid kale ku kiciyo xasarado ammaan oo gudaha midkood ah waa wax Iraan iyo Israaiil aad u goobaan balse fursaddaas waxaa markastaa gacanta ugu jirtaa Iraan oo waxa ay aad u hubaysaa taageero aan dabcaynna siisaa kooxo jiritaanka Israil khatar ku ah ooy ugu muhiimsantahay kooxda Xisbulah ee Lubnaan ku sugan. Qaasim Sulaymaanina waa ninkii hawlahaas oo dhan shukaanta u hayay. Guutada Qudus ee taliyaha uu u ahaa tiro xoog leh oo ka mid ah waxay ka hawlgashaa Suuriya –raagidda Bashaar al Asad iyo siduu uga adkaystay xoogagga inay talada ka tuuraan rabay Bishaar toban sano muddo ku dhan baa daliil u ah muhuumadda Sulaymaani uu u lahaa Iran.

Iraan dhan ahaan kooxaha dagaalka kharaar uu kula jiro Maraykanka ee Bariga Dhexe ku sugan sida kooxda la magac baxday Khilaafada Islaamka dagaal ba’an bay kula jirtaa inkastoo Iraan dhankeeda la dhihi karo waxa ay ka tahay dagaalka ay ku wiiqayso Sunniyiinta iyo suuragalnimada in maleeshiyaadka Sunniyiinta ay dib u helaan awood la mid ah middii ay lahaayeen ayaamihii Maraykanku ku duulayay Iraaq. Badi xisbiyada Shiicada ah ee Iraaq ka jiro waxay xulafo toos ah la yihiin Iraan sida Xisbiga Dacwa. Sida saamiga siyaasadeed ay u doonaan aalaaba kooxaha ay taageerto Iraan ee ku sugan Yemen, Iraaq, Lubnaan ee ku dhisan ‘haddii aan cadka helin ha ciidoobo’ baa Iraan ka bixinayay tilmaan ah inay tahay qaswadaha ugu dhibka badan ee Bariga Dhexe ku sugan isla markaana dhammaan waddamada ay saamaynta ku dhex leedahay kama ay jirto xasilooni siyaasadeed oo ay ku faani karto Iraan.

Dhaqan siyaasadeedka aan xasiloonida lahayn ee ka dhex jiro meelaha Iraan ay kaga sugantahay mandiqadda Bariga Dhexe saamayn siyaasadna ku leedahay; wuxuu shaki galinayaa fayo qabka saamaynta joogitaanka Iraan ay waddamadaas ku joogto iyo sida haddii joogitaanadeeda ay ku qabi karto siyaasad arrimo dibadeed oo faaiido dib u soo galinayso Iraan hawlaha Qaasim uga karkarinayay waddamada degmadeeda ku yaalo- waayo ma jirto cid taageerada ay Siiso Iraan ay gaarsiisantahay inay dib uga heli karto taakulo militeri haddii khatar ka soo wajahdo Maraykanka ama col kale. Isbarbardhig ahaan, dhanka Maraykan dab yar kama aanu daarayn mandiqadda balse sida uu u taageero Masar oo kale Maraykanka ma doorbidayo in qalalaaso ka dhaco Masar ama waddamada dhaco dhexbartanka Aasiya sida Uzbekistan ee uu kalitalis kastaa oo ka jiro xitaan aanay doonayn Maraykanka inay khasaarto si aanay Ruushka si buuxda ula xiran waddamadaas.

Ka dib dhimashada Qaasim Sulaymaani iyo Mustaqbalka Mandiqada waa arrin saadaalintiisu aad u cakirantahay marka dib loo jaleeco khibradda laga hayo ku sugnaashiyaha nooca hadda ay ku joogto mandiqadda Bariga Dhexe oo ah mid aad u dhiigaysan, waxaa degdeg loo soo dhawayn karaa fursad kastoo saaxada ka saari kato Iraan shiiqin kartana baraarugga Shiiciga ee uu Khumayni uu ka hirgaliyay dugsiyo waaweyn gudaha magalaada Najaf mushaarna uu ku bixiyo Khumayni sida uu ku doodayo Macahadka Daraasaadka Siyaasadda ee Washington halkaas ooy duul dariiqo ah misana fikirka Shiiciga daafici karo uu ka rajaynayo Khumayni inay ka soo aflaxaan waxa lagu bushin karana ay tahay rabshado fikir oo soo xoogaysto.

Dhexbartankii sanadkii u dambeeyay 2019-kii, Iraan waxaa ay aagga stiraatijiga ah ee lagu magacaabo Hurmus ku soo ridday dayaarad nooca duuliye aanu wadin oo casri ah kana dhuumaalaysan kartay awood ahaanteeda raadaarada. Dhacdada dayaaradda looga soo riday Maraykanka waxaa ay circa ku aloosisay xiisadda labada waddan u dhaxayso heer go’aan u dib uga laabtay madaxweynaha Marakaynaka uu ahaa in duqaymo laga fuliyaa gudaha Iraan misana sababi lahaa dagaal qarxo. Dayaaradda ay ka soo ridday Iraan Maraykanka waxay ku sababtay wajigabax ra’yulcaamkiisa ka soo food saartay Maraykanka.

Maraykanka dilka uu hadda u gaystay janan ciidamada ilaalada kacaanaka Iraan ka tirsan baa wajigabaxii Maraykanka qabsaday markay Iraan ka soo ridday dayaaradda, mid la mid ah waxaa uu hadda haystaa Iraan ceebtii iyo galaalkii madaxweyne Donald Trump qabsatay oo kalana hadda ayay haysataa Iraan wadaadada marjica lagu sheego iyo hoggaanka Iraan. Yeelkeede, Iraan waxaa u furan in ay aad u maqashaa talada ah –aayar u aaragooso– si ay uga baaqsato dagaal weyn oo qarxo. Waxaa aad suuragal u ah in dilka Qaasim ee hadda Marayka u gaysatay ay ahayd mid ka mid ah go’aamadii maamulka Trump isa soo hor dhigeen markay Iraan dayaaradda soo riday dhexbartankii sanadkii hore si uga aargoostaan Iraan.

Hanjabaadaha kulul ee madaxweynaha Maraykanka iyo Iraan hawada isu mariyeen waa kuwo aan ka soo raynayn taniyo dilkii Qaasim Sulaymaani. Dhanka Iraan waxay ku hanjabaysaa in meelo badan oo Mandiqada kaga sugantahay Maraykanka weerari doonto iyo in ay kooxaha ay gadaal ka riixdo Iraan u adeegsan doonto weeraro ka dhan ah Maraykanka. Sabata hanjabaadahan noocaas ah u isticmaalayso Iraan ayaa lagu tilmaami karaa sida Sucuudiga iyo Israaiil oo kale si aan kala har lahayn ugu riyaaqeen dilka Maraykanku u gaystay jeneraal Qaasim Sulaymaani halka Maraykanka dilkii Qaasim ka dib go’aamada miiska u saran aanay u muuqan kuwo sahlan halka Midawga Yurub iyaguna ka isticmaalayaan weedh dublamaasiyadeed oo u muuqato khatar dhici karto inay ka digayaan ‘sida xaaadda ha la dejiyo’. Iraan oo calaamadaha kalitaliska lagu yaqaan qaybo badan uu ka leeyahay hoggaankooda sida dabeecadda in uunka ugu barakaysanyihiin (jingoistic) iyo hoggaamin ku dhisan ra’yulcaam aad u cufan oo dhan qura u jaan rogan (populist) baa waxaa ay ku sababi kartaa in ay dilkii Qaasim Sulaymaani aanay ka muujin dulqaad enke ay kaga fekerto oo ay ku rogrogo talaabooyinka macquulka ah ee ay kaga aar goossan karto Maraykanka iyadoon waqti ka warwaraynin.

Si kastooy tahayba, dhimashadii Qaasim Sulaymaani waxay dhan ahaan u soo hoysay midnimo jamhuurta Iraan dhexdooda oo aanay sir qarsoon ahayn siday ugu hoos rafaadsanyihiin kalitalisnimada iyo musuqa baahsan ee ka jiro Iraan, haddana wali waxaa jiro culays aan daboolmi karin kaas ooy ugu horrayso mustaqbalka wadaaddada dalka haysto ooy suuragal tahay banaanbaxyo markastaa ka dhex dilaaci karo Iraan maadaama indhawaydba cunaqabateenadii saarnaa Iraan uu culaysyo waaweyn ku keenay dabaqadda dhexe ee dadka shaqo la’aantuna aad u baahday.

Dhanka waddamada uu dhaqadhaqaaqyada militeri uu ka fulin jiray jananka xijaabtay- baa haddii ay abuuranto xaalad jabhadnimadii uu sida xariifnimada u waday ka saarto meesha ay dhici kartaa in waddamada Bariga Dhexe ee qalalaasaha dhex maquuranayo in dadkiisu haatan un helaan fursad isugu soo dhawaadaan waxna isugu garaabaan; haddiise Iraan qaadan-waa ku noqoto dilkii dilkiiii jananka, waxay ku astaamaysantahay khaarijintii Qaasim Sulaymaani, soo kabasho ama kalahaadka Bariga Dhexe.

Waxaa qoray: Maxamed Ibraahimrashiid Khaliif.
Maxamed, waxa uu wax ka qoraa, ammuuraha matalaadda rayidka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Monday, July 2, 2018

Congratulations to City University!

 

Congratulations to City University! I extend my heartfelt congratulations to its graduates who have accomplished a remarkable milestone. What sets this long-awaited graduation apart is that these students are the pioneering graduates of the university, equipped with an exceptional determination and a keen vision to address the immense challenges burdening humanity, both locally and globally. 

 

City University came into existence in 2012, a period when the shadows of the civil war persisted. Despite this challenging backdrop, the university's board displayed resolute determination, dedicating themselves to its transformation into a contemporary institution of academic excellence and intellectual sanctuary.

 

It is noteworthy to mention that Dr. Afyare A. Elmi, one of the trailblazers at the university, has authored numerouspublications in which he passionately discusses the themes of "peace." Likewise, Dr. Bariise, the university chancellor, has authored numerous in-depth writings focusing on Islam, promoting peaceful coexistence, and strengthening our state's unity.

 

The peace message ingrained in the university's tradition by the Chancellor, board of trustees, the Deans, and the graduating students serves as a testament to their five years of arduous work and unwavering perseverance. 

 

Above all else, it signifies a unified stance against anything that poses a threat to humanity in Somalia, such as insecurity, inadequate leadership, and poverty. Fortunately, there exists a flawless remedy to these challenges: the cultivation of proficient leaders who are equipped with the skills to enact transformative change and uplift our nation.

 

Congratulations once again on becoming the newest graduates produced by the university today. Congratulations on the exceptional knowledge and skills you have acquired, which will undoubtedly propel you forward in tackling challenges and engaging as active participants.

Thursday, October 26, 2017

Singabuur: Beerta Shimbiraha


Beerta Shinbiraha Juron, Singabuur  ee
  dunidanaugu caansan dhanka daxiis taga
Singabuur inta aanay ka madaxbanaan federaalkii Malayshiya ooy ka tirsanayd waxaa ay ahaan jirtay gobol ku xisaabsan Malayshia. Xisbi la dhihi jiray PAP ayaa ololaha siyaasadeed u wadi jiray. Waxaa jiray kala duwanaasho aragti siyaasadeed iyo mid dhaqaalo oo u dhaxaysay labada xisbi ee Malayshiyada kale iyo Singabuur oo dhinac ah kaasoo horseeday rabshado siyaasadeed iyo muran dhexdooda ah. Sidoo kale dhanka dhaqaalaha waxaa marksto ka muuqanayay Singabuur farqi aan caadi ahayn kaasoo dhanka Singabuur muujinayay heer aad u liito.

 Xaaladda adag oom la soo dhawaysan karin ee ku sugnayd Singabuur waxay u liicday dhinac aan cidina qiyaasayn taasoo ahayd in Raisulwasaarihii Malayshiya Tunku Abdul Raxmaan uu go’aan ku dhiiraday kala go' ah madaama Singabuur soo jiidasho dhankasto leh aanay haysan goaankaasoo ahaa in Singabuur garabkeeda gasho ooy iska go’do.


 asaasihi Singabuur si idaba joog
oo loo doortay sadex goor ayuu xukunka
qabtay wuxuuna xafiiska hayay 1965-1990
  Saaladaas oo kale umaysan diyaarsanayn waxayna si toos ah u go’aday Singabuur 1965 iyadoo noqotay wadan goonidiisa u madaxbanaan. Ka dib go'iddii Singabuur waxaa Raisulwasaare ka noqday Lee Kuan Yew kaasoo ahaa isla hogaamiyihii xisbigii PAP ee horaan ku matalayay Singabuur federaalka Malayshiya markii danmbana mid lagu aflaxay u noqday waddankiisa oo ka af qabtay hadaantii loo filayay ooy qaar wargaysyada caalamka ugu afka dheer uuna ka mid ahaa New York Times uu daabacay cinwaan ahaa  in Singabuur ka masaxantay qariirada dunida.

   Goor horeba waxkastoo dayro ah oo laga yiri Singabuur iyo masuuliyiintooda, shacabkooduna dhagaha ka buuxsadeen waxaa bilaabatay in mar un meelkastooy ku haysteen quus iyo dayro ka hurgufaan go’aansadaana in tub horleh cagta saaraan taasoo uu ku hogaaminayo raisulwasaare Lee Kuan iyagoo aaminay in ay dhisan karaan waddankooda. 

   Madax iyo wasiiro wada yididiilo badan baa isla helay jaanta ooy ka xalantahy laabtooda sugidda hey’ado iyo ajanabi u dhiso waddan waxaanu ahaa halhayskooda in Singabuur isku filnaato. Waxaa wasiir maaliyad ka ahaa Singabuur 1968 Dr. Goh Keng Swee wax yar un ka dib xilligii ay gooni u istaageen Dr. Goh sidiisaa buu u shiilayay maskaxdiisa kuna fakarayay habkastoo uu waddankiisa dhaqaalo u soo galin karo.

Dr. Goh Keng Swee Wasiirkii Dhaqaalaha
1967-1970
Dr. Goh wuxuu meel ku xariiqday mid ka mid ah miidda ka soo maaxaysay fekerkiisa joogtada ah mar uu ka qaybgalayay shir Baanka Aduunka ugu qabsoomay magaalada Riyo De Jenayro ee arliga Barasil waxayna ahayd arrintuu buugiisa yar ku qortay siday ugu wanaagsantahy in laga sameeyo beer shimbiraha lagu xanaaneeyo loona soo dalxiis tago aaga hoobadka ka ah buurta Bukit Peropok ee magaalada Jurong. Wasiirka wuxuu qorsheeyay sanad gudihiis in lagu afmeero hawsha dhisidda qab shimbiro oo wayn kaaso ku fadhiyo bed dhan 0.2 km oo isku go’an.

Waxaa la dhameeyay diyaarinta qab-shimbireedka sanadii 1969 waxaana lagu magacaabay Beerta Shimbiraha ee Jurong waxaana ku baxday diyaarinta beertan lacag dhan $3.5 milyan. Hadda Beerta Shimbiraha ee Jurong waa beerta ugu caansan dunida loona soo dalxiis tago waxaana lagu hayaa 5,000 oo shimbiro kuwaasoo ka kooban jaadad gaarayo 400 oo nooc waxaana dhawaan lagu siyaadiyay dayactir gaarayo $10 milyan taasoo lagu sameeyay dhismayaal waawayn oo laga soo galo iyo goobo bilicsan oo laga dukaamaysto macmacaan iyo qabowna lagu iibiyo.

Waddankii Singabuur ee laga filayay in uu ka tirmo qariiradda dunida manta waxa uu ka yahay kaalinta afaraad waddamada barwaaqo sooranta ah iyo kaalinta seddexaad waddamada ugu musuqa yar caalamka. Taas waxay ka dhalaay isku kalsoonaanta ay muujiyeen dadka ree Singabuur iyo siday u heleen fikradda saxda ah ee ahayd in aanay cid aan iyaga ahayn dhisi Karin dhulkay ku dhasheen.

Waxaan aaminsanahay markaan aragno waxyaabahakan mudan in lagu xardho biyo dahab ee ay asaag ka samaysanayaan dhulkooda hooyo, waxa ugu wanaagsan ee aan samayn karno ma aha in aan u kala dhuumano dhulalkaa si aan ugu noolaano; ee waa in aan ka hirgalinaa oon ka samaynaa wax la mid ah ama ka sii xiiso badan dhulkeena. Waxaan ugu fiicanyahay markaan doonayno in aan kala ogaano haddii aan ku xisaabtami karno iskuna halayn karno isku kalsoonaanta nafeed ee leeyihiin madaxdeena ama haday la mid yihiin wasiirkii maaliyadda ee Singabuur Dr. Goh si waddankan barwaaqo ugu hoggaamiyaan. 

Haddaanay  isku kalsoonaan bisaylna lahayn hoggaamiyuhu, waxaa sii socono karto sidii waddamada deriska ay haayado sakhiran ugu yeeraan siminaar lagu hoogayna soo siyaan. Taas waxay tilmaamaysas farqi kala caddaynayo baahida qaranku qabo iyo baahida uu qabo masuulka qaranka loo igmaday u adeegiddiisa. Abwaan Hadraawi ayaa lahaa maanso tuducyo ka mid ah ay tilmaamaysay in loo baahanyahy in la sameeyo dhaq-dhaqaal dhiilo lagu baajiyo -    
  “Inta gabay dhaf leeyahy haddaan kaaga dhira fuulo
Haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan waliba dhiibdhiibo
Annigoon waxbo kuu dhimin haddaan dhagaha kuu buuxsho
Dhaqdhaqaaq ma kaa imman karaa dhiilo lagu baajo”.
Isku kalsoonaan iyo dhaq dhaqaaq xikmadaysan oo uu maanta masuul waddankan u dhaartay uu la yimaado waxaa lagu xisaabin doonaa mid baajisay dhiilo, dayac iyo ciil uu ku dhex wajahayay Soomaali Soomaliya dhexdeeda.

Wednesday, October 25, 2017

Beerta Shimbiraha

Beerta Shimbiraha ee Jurong
Singabuur inta aanay ka madaxbanaan federaalkii Malayshiya ooy ka tirsanayd waxaa ay ahaan jirtay gobol ku xisaabsan wadankaa xisbi la dhihi jiray PAP ayaa ololaha siyaasadeed u wadi jiray. Waxaa jiray kala duwanaasho aragti siyaasadeed iyo mid dhaqaalo oo u dhaxaysay labada xisbi ee Malayshiyada kale iyo Singabuur oo dhinac ah kaasoo horseeday rabshado siyaasadeed iyo muran dhexdooda ah. Sidoo kale dhanka dhaqaalaha waxaa marksto ka muuqanayay Singabuur farqi aan caadi ahayn kaasoo dhanka Singabuur muujinayay heer aad u liito. Si kastaba, waxa yaabka lahaa waxay ahayd in Raisulwasaarihii Malayshiya Tunku Abdul Raxmaan uu go’aan muuqanayay ku dhiirado madaama Singabuur soo jiidasho dhankasto leh aanay haysan goaankaasoo ahaa in Singabuur garabkeeda gasho ooy iska go’do.


Rw asaasay Singabuurtan si idaba joog
oo loo doortay sadex goor ayuu xukunka
qabtay wuxuuna xafiiska hayay 1965-1990
Xaaladaas oo kale umaysan diyaarsanayn waxayna si toos ah u go’aday 1965 iyadoo noqotay wadan goonidiisa u madaxbanaan. Raisulwasaare waxaa ka noqday isla hogaamiyihii hogaaminayay xisbigii PAP eek u matalayay federaalka Malayshia Singabuur intaanay gooni noqon ninkaas oo laguna magacaabi jiray Lee Kuan Yew markii danbana mid lagu aflaxay u noqday wadankiisa oo ka af qabtay hadaantii loo filayay ooy qaar wargaysyada caalamka ugu afka dheer uuna ka mid ahaa New York Times uu daabacay cinwaan ahaa  in Singabuur ka masaxantay qariirada dunida.

Goor horeba waxkastoo dayro ah oo laga yiri Singabuur iyo masuuliyiintooda, shacabkooduna dhagaha ka buuxsadeen waxaa bilaabatay in mar un meelkastooy ku haysteen quus iyo dayro ka hurgufeen go’aansadeena in tub horleh cagta saaraan taasoo uu ku hogaaminayo raisulwasaare Lii Kuan iyagoo aaminay in ay dhisan karaan wadankooda. Madax iyo wasiiro wada yididiilo badan baa isla helay jaanta ooy ka xalantahy laabtooda sugida hey’ado iyo ajanabi u dhiso wadan waxaanu ahaa halhayskooda in Singabuur isku filnaato. Waxaa wasiir maaliyad ka ahaa Singabuur 1968 Dr. Goh Keng Swee wax yar un ka dib xiligii ay gooni u istaageen Dr. Goh sidiisaa buu u shiilayay maskaxdiisa kuna fakarayay habkastoo uu wadankiisa dhaqaalo u soo galin karo.

Dr. Goh Keng Swee Wasiirkii Dhaqaalaha
1967-1970
Dr. Goh wuxuu meel ku xariiqday mid ka mid ah miidda ka soo baxaday fekerkiisa joogtada ah mar uu ka qaybgalayay shir Baanka Aduunka ugu qabsoomay magaalada Riyo De Jenayro ee arliga Barasil waxayna ahyd arrintuu buugiisa yar ku qortay siday ugu wanaagsantahy in laga sameeyo beer shimbiraha lagu xanaaneeyo loona soo dalxiis tago aaga hoobadka ka ah buurta Bukit Peropok ee magaalada Jurong. Wasiirka wuxuu qorsheeyay sanad gudihiis in lagu afmeero hawsha dhisida qab shimbiro oo wayn kaaso ku fadhiyo bed dhan 0.2 km oo isku go’an.

Waxaa la dhameeyay diyaarinta qab-shimbireedka sanadii 1969 waxaana lagu magacaabay Beerta Shimbiraha ee Jurong waxaana ku baxday diyaarinta beertan lacag dhan $3.5 milyan. Hada Beerta Shimbiraha ee Jurong waa beerta ugu caansan dunida loona soo dalxiis tago waxaana lagu hayaa 5,000 oo shimbiro kuwaasoo ka kooban jaadad gaarayo 400 oo nooc waxaana dhawaan lagu siyaadiyay dayactir gaarayo $10 milyan taasoo lagu sameeyay dhismayaal waawayn oo laga soo galo iyo goobo bilicsan oo laga dukaamaysto macmacaan iyo qabowna lagu iibiyo.

Wadankii Singabuur ee laga filayay in uu ka tirmo qariirada dunida manta waxa uu ka yahay kaalinta afaraad wadamada baraawo sooranta ah iyo kaalinta sadexaad wadamada ugu musua yar caalamka. Taas waxay ka dhalaay isku kalsoonaanta ay muujiyeen dadka ree Singabuur iyo siday u heleen fikrada saxda ah ee ahayd in aanay cid aan iyaga ahayn dhisi Karin dhulkay ku dhasheen.

Waxaan aaminsanahay markaan aragno waxyaabahakan mudan in lagu xardho biyo dahab ee ay asaag ka samaysanayaan dhulkooda hooyo waxa ugu wanaagsan ee aan samayn karno ma aha in aan u kala dhuumano dhulalkaa si aan ugu noolaano ee waa in aan ka hirgalinaa oon ka samaynaa wax la mid ah ama ka sii xiiso badan dhulkeena. Waxaan ku mashquuli karnaa in aan kala ogaano hadii aan ku xisaabtami isku kalsoonaanta naftooda ay u hayaan madaxdeena iyo haday la mid yihiin wasiirkii maaliyada ee Singabuur Dr. Goh. Ka mid ma nqon karaan kuwa aan rajaynayno inay noo xasliyaan wadankan qaarka u heelan in siminaaro dibada ugu kala ordaan iyagoo maanka ku hayo talaabada ugu horayso ee ay qaadi doonaan inay tahay mid halkaa iyo siminaarka ay ka soo barteen.

Maalin dhow ayay ahayd mar xafiis aan galay si adeeg la iigu qabto, balse masuulkii shaqada ii qaban lahaa ayaa la ii sheegay in uu siminaar ku maqan yahay. Wax macquul ah ma aha ayaan ku dooday anigoo sabab uga dhigayo in masuulka heerkan joogo ay ahayd inuu isku filnaasho ka gaaray haayado wadamo sabool ah dhexdiisa ugu yeero say wax u baraan.

Waxaan kaloo ku xisaabtami karnaa masuuliyiinta caasimada wadanka loo dhiibay masuuliyadeeda waxa ay la imaan karaan kuwaasoo wali madax ka ah caasimad aan lahayn bas dadwene oo si cafimaad leh u bixinayo adeeg isusocod dadwayne ama sidoo kale madax ka ah caasimad aan lahayn tagaasi uu isticmaalo muwaadinka bixitaan khaas ah rabo in uu yeesho bixitaankaas ooy u suura galin Karin mootooyinka marar badan oon waqti kasto noqon Karin u qabtay adeegaas taasoo ka dhigan in aanay jirin cid dajisay nidaamka isusocodka dadwaynaha.

Abwaan hadraawi ayaa lahaa maanso tuducyo ka mid ah ay wanqaraysay in loo baahanyahy in la sameeyo dhaq dhaqaal dhiilo lagu baajiyo -    
  “Inta gabay dhaf leeyahy hadaan kaaga dhira fuulo
Hadaan dhaho hadaan dhigo hadaan waliba dhiibdhiibo
Anigoon waxbo kuu dhimin hadaan dhagaha kuu buuxsho
Dhaqdhaqaaq ma kaa imman karaa dhiilo lagu baajo”.
Isku kalsoonaan iyo dhaq dhaqaaq xikmadaysan oo uu maanta masuul wadankan u dhaartay uu la yimaado waxaa lagu xisaabin doonaa mid baajisay dhiilo, dayac iyo ciil uu ku dhex wajahayay Soomaali Soomaliya dhexdeeda.