Thursday, October 26, 2017

Singabuur: Beerta Shimbiraha


Beerta Shinbiraha Juron, Singabuur  ee
  dunidanaugu caansan dhanka daxiis taga
Singabuur inta aanay ka madaxbanaan federaalkii Malayshiya ooy ka tirsanayd waxaa ay ahaan jirtay gobol ku xisaabsan Malayshia. Xisbi la dhihi jiray PAP ayaa ololaha siyaasadeed u wadi jiray. Waxaa jiray kala duwanaasho aragti siyaasadeed iyo mid dhaqaalo oo u dhaxaysay labada xisbi ee Malayshiyada kale iyo Singabuur oo dhinac ah kaasoo horseeday rabshado siyaasadeed iyo muran dhexdooda ah. Sidoo kale dhanka dhaqaalaha waxaa marksto ka muuqanayay Singabuur farqi aan caadi ahayn kaasoo dhanka Singabuur muujinayay heer aad u liito.

 Xaaladda adag oom la soo dhawaysan karin ee ku sugnayd Singabuur waxay u liicday dhinac aan cidina qiyaasayn taasoo ahayd in Raisulwasaarihii Malayshiya Tunku Abdul Raxmaan uu go’aan ku dhiiraday kala go' ah madaama Singabuur soo jiidasho dhankasto leh aanay haysan goaankaasoo ahaa in Singabuur garabkeeda gasho ooy iska go’do.


 asaasihi Singabuur si idaba joog
oo loo doortay sadex goor ayuu xukunka
qabtay wuxuuna xafiiska hayay 1965-1990
  Saaladaas oo kale umaysan diyaarsanayn waxayna si toos ah u go’aday Singabuur 1965 iyadoo noqotay wadan goonidiisa u madaxbanaan. Ka dib go'iddii Singabuur waxaa Raisulwasaare ka noqday Lee Kuan Yew kaasoo ahaa isla hogaamiyihii xisbigii PAP ee horaan ku matalayay Singabuur federaalka Malayshiya markii danmbana mid lagu aflaxay u noqday waddankiisa oo ka af qabtay hadaantii loo filayay ooy qaar wargaysyada caalamka ugu afka dheer uuna ka mid ahaa New York Times uu daabacay cinwaan ahaa  in Singabuur ka masaxantay qariirada dunida.

   Goor horeba waxkastoo dayro ah oo laga yiri Singabuur iyo masuuliyiintooda, shacabkooduna dhagaha ka buuxsadeen waxaa bilaabatay in mar un meelkastooy ku haysteen quus iyo dayro ka hurgufaan go’aansadaana in tub horleh cagta saaraan taasoo uu ku hogaaminayo raisulwasaare Lee Kuan iyagoo aaminay in ay dhisan karaan waddankooda. 

   Madax iyo wasiiro wada yididiilo badan baa isla helay jaanta ooy ka xalantahy laabtooda sugidda hey’ado iyo ajanabi u dhiso waddan waxaanu ahaa halhayskooda in Singabuur isku filnaato. Waxaa wasiir maaliyad ka ahaa Singabuur 1968 Dr. Goh Keng Swee wax yar un ka dib xilligii ay gooni u istaageen Dr. Goh sidiisaa buu u shiilayay maskaxdiisa kuna fakarayay habkastoo uu waddankiisa dhaqaalo u soo galin karo.

Dr. Goh Keng Swee Wasiirkii Dhaqaalaha
1967-1970
Dr. Goh wuxuu meel ku xariiqday mid ka mid ah miidda ka soo maaxaysay fekerkiisa joogtada ah mar uu ka qaybgalayay shir Baanka Aduunka ugu qabsoomay magaalada Riyo De Jenayro ee arliga Barasil waxayna ahayd arrintuu buugiisa yar ku qortay siday ugu wanaagsantahy in laga sameeyo beer shimbiraha lagu xanaaneeyo loona soo dalxiis tago aaga hoobadka ka ah buurta Bukit Peropok ee magaalada Jurong. Wasiirka wuxuu qorsheeyay sanad gudihiis in lagu afmeero hawsha dhisidda qab shimbiro oo wayn kaaso ku fadhiyo bed dhan 0.2 km oo isku go’an.

Waxaa la dhameeyay diyaarinta qab-shimbireedka sanadii 1969 waxaana lagu magacaabay Beerta Shimbiraha ee Jurong waxaana ku baxday diyaarinta beertan lacag dhan $3.5 milyan. Hadda Beerta Shimbiraha ee Jurong waa beerta ugu caansan dunida loona soo dalxiis tago waxaana lagu hayaa 5,000 oo shimbiro kuwaasoo ka kooban jaadad gaarayo 400 oo nooc waxaana dhawaan lagu siyaadiyay dayactir gaarayo $10 milyan taasoo lagu sameeyay dhismayaal waawayn oo laga soo galo iyo goobo bilicsan oo laga dukaamaysto macmacaan iyo qabowna lagu iibiyo.

Waddankii Singabuur ee laga filayay in uu ka tirmo qariiradda dunida manta waxa uu ka yahay kaalinta afaraad waddamada barwaaqo sooranta ah iyo kaalinta seddexaad waddamada ugu musuqa yar caalamka. Taas waxay ka dhalaay isku kalsoonaanta ay muujiyeen dadka ree Singabuur iyo siday u heleen fikradda saxda ah ee ahayd in aanay cid aan iyaga ahayn dhisi Karin dhulkay ku dhasheen.

Waxaan aaminsanahay markaan aragno waxyaabahakan mudan in lagu xardho biyo dahab ee ay asaag ka samaysanayaan dhulkooda hooyo, waxa ugu wanaagsan ee aan samayn karno ma aha in aan u kala dhuumano dhulalkaa si aan ugu noolaano; ee waa in aan ka hirgalinaa oon ka samaynaa wax la mid ah ama ka sii xiiso badan dhulkeena. Waxaan ugu fiicanyahay markaan doonayno in aan kala ogaano haddii aan ku xisaabtami karno iskuna halayn karno isku kalsoonaanta nafeed ee leeyihiin madaxdeena ama haday la mid yihiin wasiirkii maaliyadda ee Singabuur Dr. Goh si waddankan barwaaqo ugu hoggaamiyaan. 

Haddaanay  isku kalsoonaan bisaylna lahayn hoggaamiyuhu, waxaa sii socono karto sidii waddamada deriska ay haayado sakhiran ugu yeeraan siminaar lagu hoogayna soo siyaan. Taas waxay tilmaamaysas farqi kala caddaynayo baahida qaranku qabo iyo baahida uu qabo masuulka qaranka loo igmaday u adeegiddiisa. Abwaan Hadraawi ayaa lahaa maanso tuducyo ka mid ah ay tilmaamaysay in loo baahanyahy in la sameeyo dhaq-dhaqaal dhiilo lagu baajiyo -    
  “Inta gabay dhaf leeyahy haddaan kaaga dhira fuulo
Haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan waliba dhiibdhiibo
Annigoon waxbo kuu dhimin haddaan dhagaha kuu buuxsho
Dhaqdhaqaaq ma kaa imman karaa dhiilo lagu baajo”.
Isku kalsoonaan iyo dhaq dhaqaaq xikmadaysan oo uu maanta masuul waddankan u dhaartay uu la yimaado waxaa lagu xisaabin doonaa mid baajisay dhiilo, dayac iyo ciil uu ku dhex wajahayay Soomaali Soomaliya dhexdeeda.

No comments:

Post a Comment