
Israaiil iyo Iraan ma aanay dhicin in wali dagaal toos ah isku qaadaan balse labaduba fursadda ah in midba mid kale ku kiciyo xasarado ammaan oo gudaha midkood ah waa wax Iraan iyo Israaiil aad u goobaan balse fursaddaas waxaa markastaa gacanta ugu jirtaa Iraan oo waxa ay aad u hubaysaa taageero aan dabcaynna siisaa kooxo jiritaanka Israil khatar ku ah ooy ugu muhiimsantahay kooxda Xisbulah ee Lubnaan ku sugan. Qaasim Sulaymaanina waa ninkii hawlahaas oo dhan shukaanta u hayay. Guutada Qudus ee taliyaha uu u ahaa tiro xoog leh oo ka mid ah waxay ka hawlgashaa Suuriya –raagidda Bashaar al Asad iyo siduu uga adkaystay xoogagga inay talada ka tuuraan rabay Bishaar toban sano muddo ku dhan baa daliil u ah muhuumadda Sulaymaani uu u lahaa Iran.
Iraan dhan ahaan kooxaha dagaalka kharaar uu kula jiro Maraykanka ee Bariga Dhexe ku sugan sida kooxda la magac baxday Khilaafada Islaamka dagaal ba’an bay kula jirtaa inkastoo Iraan dhankeeda la dhihi karo waxa ay ka tahay dagaalka ay ku wiiqayso Sunniyiinta iyo suuragalnimada in maleeshiyaadka Sunniyiinta ay dib u helaan awood la mid ah middii ay lahaayeen ayaamihii Maraykanku ku duulayay Iraaq. Badi xisbiyada Shiicada ah ee Iraaq ka jiro waxay xulafo toos ah la yihiin Iraan sida Xisbiga Dacwa. Sida saamiga siyaasadeed ay u doonaan aalaaba kooxaha ay taageerto Iraan ee ku sugan Yemen, Iraaq, Lubnaan ee ku dhisan ‘haddii aan cadka helin ha ciidoobo’ baa Iraan ka bixinayay tilmaan ah inay tahay qaswadaha ugu dhibka badan ee Bariga Dhexe ku sugan isla markaana dhammaan waddamada ay saamaynta ku dhex leedahay kama ay jirto xasilooni siyaasadeed oo ay ku faani karto Iraan.
Dhaqan siyaasadeedka aan xasiloonida lahayn ee ka dhex jiro meelaha Iraan ay kaga sugantahay mandiqadda Bariga Dhexe saamayn siyaasadna ku leedahay; wuxuu shaki galinayaa fayo qabka saamaynta joogitaanka Iraan ay waddamadaas ku joogto iyo sida haddii joogitaanadeeda ay ku qabi karto siyaasad arrimo dibadeed oo faaiido dib u soo galinayso Iraan hawlaha Qaasim uga karkarinayay waddamada degmadeeda ku yaalo- waayo ma jirto cid taageerada ay Siiso Iraan ay gaarsiisantahay inay dib uga heli karto taakulo militeri haddii khatar ka soo wajahdo Maraykanka ama col kale. Isbarbardhig ahaan, dhanka Maraykan dab yar kama aanu daarayn mandiqadda balse sida uu u taageero Masar oo kale Maraykanka ma doorbidayo in qalalaaso ka dhaco Masar ama waddamada dhaco dhexbartanka Aasiya sida Uzbekistan ee uu kalitalis kastaa oo ka jiro xitaan aanay doonayn Maraykanka inay khasaarto si aanay Ruushka si buuxda ula xiran waddamadaas.
Ka dib dhimashada Qaasim Sulaymaani iyo Mustaqbalka Mandiqada waa arrin saadaalintiisu aad u cakirantahay marka dib loo jaleeco khibradda laga hayo ku sugnaashiyaha nooca hadda ay ku joogto mandiqadda Bariga Dhexe oo ah mid aad u dhiigaysan, waxaa degdeg loo soo dhawayn karaa fursad kastoo saaxada ka saari kato Iraan shiiqin kartana baraarugga Shiiciga ee uu Khumayni uu ka hirgaliyay dugsiyo waaweyn gudaha magalaada Najaf mushaarna uu ku bixiyo Khumayni sida uu ku doodayo Macahadka Daraasaadka Siyaasadda ee Washington halkaas ooy duul dariiqo ah misana fikirka Shiiciga daafici karo uu ka rajaynayo Khumayni inay ka soo aflaxaan waxa lagu bushin karana ay tahay rabshado fikir oo soo xoogaysto.
Dhexbartankii sanadkii u dambeeyay 2019-kii, Iraan waxaa ay aagga stiraatijiga ah ee lagu magacaabo Hurmus ku soo ridday dayaarad nooca duuliye aanu wadin oo casri ah kana dhuumaalaysan kartay awood ahaanteeda raadaarada. Dhacdada dayaaradda looga soo riday Maraykanka waxaa ay circa ku aloosisay xiisadda labada waddan u dhaxayso heer go’aan u dib uga laabtay madaxweynaha Marakaynaka uu ahaa in duqaymo laga fuliyaa gudaha Iraan misana sababi lahaa dagaal qarxo. Dayaaradda ay ka soo ridday Iraan Maraykanka waxay ku sababtay wajigabax ra’yulcaamkiisa ka soo food saartay Maraykanka.
Maraykanka dilka uu hadda u gaystay janan ciidamada ilaalada kacaanaka Iraan ka tirsan baa wajigabaxii Maraykanka qabsaday markay Iraan ka soo ridday dayaaradda, mid la mid ah waxaa uu hadda haystaa Iraan ceebtii iyo galaalkii madaxweyne Donald Trump qabsatay oo kalana hadda ayay haysataa Iraan wadaadada marjica lagu sheego iyo hoggaanka Iraan. Yeelkeede, Iraan waxaa u furan in ay aad u maqashaa talada ah –aayar u aaragooso– si ay uga baaqsato dagaal weyn oo qarxo. Waxaa aad suuragal u ah in dilka Qaasim ee hadda Marayka u gaysatay ay ahayd mid ka mid ah go’aamadii maamulka Trump isa soo hor dhigeen markay Iraan dayaaradda soo riday dhexbartankii sanadkii hore si uga aargoostaan Iraan.
Hanjabaadaha kulul ee madaxweynaha Maraykanka iyo Iraan hawada isu mariyeen waa kuwo aan ka soo raynayn taniyo dilkii Qaasim Sulaymaani. Dhanka Iraan waxay ku hanjabaysaa in meelo badan oo Mandiqada kaga sugantahay Maraykanka weerari doonto iyo in ay kooxaha ay gadaal ka riixdo Iraan u adeegsan doonto weeraro ka dhan ah Maraykanka. Sabata hanjabaadahan noocaas ah u isticmaalayso Iraan ayaa lagu tilmaami karaa sida Sucuudiga iyo Israaiil oo kale si aan kala har lahayn ugu riyaaqeen dilka Maraykanku u gaystay jeneraal Qaasim Sulaymaani halka Maraykanka dilkii Qaasim ka dib go’aamada miiska u saran aanay u muuqan kuwo sahlan halka Midawga Yurub iyaguna ka isticmaalayaan weedh dublamaasiyadeed oo u muuqato khatar dhici karto inay ka digayaan ‘sida xaaadda ha la dejiyo’. Iraan oo calaamadaha kalitaliska lagu yaqaan qaybo badan uu ka leeyahay hoggaankooda sida dabeecadda in uunka ugu barakaysanyihiin (jingoistic) iyo hoggaamin ku dhisan ra’yulcaam aad u cufan oo dhan qura u jaan rogan (populist) baa waxaa ay ku sababi kartaa in ay dilkii Qaasim Sulaymaani aanay ka muujin dulqaad enke ay kaga fekerto oo ay ku rogrogo talaabooyinka macquulka ah ee ay kaga aar goossan karto Maraykanka iyadoon waqti ka warwaraynin.
Si kastooy tahayba, dhimashadii Qaasim Sulaymaani waxay dhan ahaan u soo hoysay midnimo jamhuurta Iraan dhexdooda oo aanay sir qarsoon ahayn siday ugu hoos rafaadsanyihiin kalitalisnimada iyo musuqa baahsan ee ka jiro Iraan, haddana wali waxaa jiro culays aan daboolmi karin kaas ooy ugu horrayso mustaqbalka wadaaddada dalka haysto ooy suuragal tahay banaanbaxyo markastaa ka dhex dilaaci karo Iraan maadaama indhawaydba cunaqabateenadii saarnaa Iraan uu culaysyo waaweyn ku keenay dabaqadda dhexe ee dadka shaqo la’aantuna aad u baahday.
Dhanka waddamada uu dhaqadhaqaaqyada militeri uu ka fulin jiray jananka xijaabtay- baa haddii ay abuuranto xaalad jabhadnimadii uu sida xariifnimada u waday ka saarto meesha ay dhici kartaa in waddamada Bariga Dhexe ee qalalaasaha dhex maquuranayo in dadkiisu haatan un helaan fursad isugu soo dhawaadaan waxna isugu garaabaan; haddiise Iraan qaadan-waa ku noqoto dilkii dilkiiii jananka, waxay ku astaamaysantahay khaarijintii Qaasim Sulaymaani, soo kabasho ama kalahaadka Bariga Dhexe.
Waxaa qoray: Maxamed Ibraahimrashiid Khaliif.
Maxamed, waxa uu wax ka qoraa, ammuuraha matalaadda rayidka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.